Home galmudug Akhriso Madaxweynaha Puntland Cabdi weli Gaas oo shir ku casuumay Madaxda Maamul...

Akhriso Madaxweynaha Puntland Cabdi weli Gaas oo shir ku casuumay Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka..

0
SHARE

Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa Madaxda Dowlad goboleedyada waxa uu ku casuumay shir ka dhici doona Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ahna Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa Casuumadaas loo kala tiray Madaxda Maamul goboleedayda sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

Shirkaas Madaxda lagu Casuumay ayaa waxa uu Garoowe ka furi doonaa 20-ka Bisha soo socota ee Maarso,waxana looga hadli doonaa arrimo badan oo quseeya xaalada dalka iyo Danaha Dowlad Goboleedyada waxa uuna noqon doonaa shirkii labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here