Home Wararka Maanta Raysulwaasaare Xamza oo Ka Hadlay in Raysulwasaare Meesha Laga Saaro Sida Lagu...

Raysulwaasaare Xamza oo Ka Hadlay in Raysulwasaare Meesha Laga Saaro Sida Lagu Heshiiyay go,aankii Golaha wadatashi Qaran

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimo ku aadan heshiiskii uu qaybta ka ahaa ee ay gaareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo meesha looga saaray xilka ra’iisul wasaaraha, ayada oo Soomaaliya ay markii ugu horreysay yeelaneyso madaxweyne iyo ku xigeen.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa si weyn u taageeray qorshahan oo lagu baabi’inayo xilkiisa, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo ka Xamza ahaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka oo yeesho madaxweyne iyo ku xigeen aysan ka dhignayn in la burburinayo nidaamka federaalka, sida uu hadalka u hadalka u dhigay.

Xamxa ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay Mareykanka oo ah dal federaalka, sidoo kalena leh madaxweyne & madaxweyne ku xigeen, uuna ugu horreeya dhanka dimuquraadiyadda.

“Qaar waxay dheheen federaalkiibaa burburay oo madaxweyne iyo ku xigeen ayaa la sameynayaa oo ra’iisul wasaare iyo waxaas waa la tuurayaa marka federaalkiibaa baaba’ay marka muu Mareykan ka baaba’o. Haddii madaxda midka ay u arkeen Soomaaliya inay ku haboon yahay qaateen muxuu yahay dambiga ay galeen?” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay in arrintan iyo federaaliisamka aysan wax shaqo ah isku laheyn, ujeedkuna uu yahay in shacabka talada dib loogu celiyo..

“Wax federaaliisam la yiraahdo oo shaqo ku leh waxaan maba jirto, isku shaqo maba aha” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ugu baaqay in la yareeyo walaaca iyo shakiga la xiriira arrintan.

“Doodu inay noqot dood akadeemig ah oo siyaasi ah oo dadka loo sheegi karo oo la’is horfariisto ayaa fiican,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo doodo xoogan ay ka dhasheen heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo lagu go’aamiyay doorasho qof iyo cod ah iyo wax ka beddal lagu sameeyay nidaamka dowliga.
Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo War lama Filaan ah kasoo Saaray Go,aankii Shirka Golaha Wadatashi Qaran
Next articleShiikh Shariif,Gaas, Xasan Cali Khayre iyo Madax kale oo Ka Hortimid Go,aanadii Golaha Wadatashi Qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here