Home Wararka caalamka Dalka Germalka Xisbiyada Dalkaasi oo ku heshiiyay in Awooda la wadaago..

Dalka Germalka Xisbiyada Dalkaasi oo ku heshiiyay in Awooda la wadaago..

0
SHARE

Xisbiyada Jarmalka ee ay wadahadalada dowlad-wadaag ah ay u socdeen ayaa ugu dambayn heshiis kaamil ah wadagaaray

Xisbiga Angela Merkel ee CDU iyo xisbiga kale ee SPD ayaa gaaray isafgaradan oo mudo dheer la iskumari la’aa

Waxaa lagu heshiiyey wasiiro la wadaagayo qodobkaasoo ahaa mid si weyn la isugu hayay mudo dheerna jiitamayay

Tilaabadani ayaa dhamaynaysa ismariwaa afar bilood soo jiitamayay ka dib markii ay dhacday doorasho cidna aysan ku guullaysan

Balse weli waxaa loo baahan yahay in heshiiskan ay ansaxiyaan xubnaha xisbiga SPD oo cod u qaadi doona heshiiskan

Angela Merkel oo heshiiskan ka hadashay ayaa sheegtay inuu yahay mid wanaagsan oo dowlad degan abuuraya

Xisbiga SPD ayaa yeellanaya lix wasiir oo ay ka mid yihiin arrimaha dibada iyo maaliyada

Hadii ay ogolaadaan heshiiskan xubnaha xisbiga SPD waxaa lagu dhawaaqi doonaa bisha Maarso labadeeda

Arrimaha sidoo kale hareeyey wadahadaladan mudada socday waxaa ka mid ah arimaha shaqaalaha iyo qaxootiga soogalootiga ah

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here