Home Wararka Somaliya Somaliland Abwaan Dowladda Somaliya dhawaan xil u magacaawday oo Somaliland xil kale Looga...

Abwaan Dowladda Somaliya dhawaan xil u magacaawday oo Somaliland xil kale Looga Magacaabay

0

Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Yusuf Shaacir) oo 3 bishii July ay dowlada Soomaaliya u magacowday xubin ka tirsan xeeldheerayaasha Akadamiyada Afka iyo Suugaanta ee Wasaarada Waxbarashada, ayuu  hada Golaha Wakiilada Somaliland, u magacabay xubin katirsan guddida afka ee golaha.

Shaacir oo ay warhaahintu wax kawaydiisay magacaabistii hore ee dowlada Soomaaliya kasoo baxday iyo magacaabista cusub ee ay golaha wakiiladu ugu doorteen in uu ka mid noqdo guddida afka Soomaaliga ka taageeri doonta golaha, ayaa sheegay in uu ka shaqaynayo horumarinta afka guud ahaan hadii aanu siyaasadaysnayn.

“Afku haduuna siyaasad ku jirin cidwalba waan kala shaqaynaya, lakin haduu siyaasad ku jiro kama shaqaynayo, Xamar iyo Hargaysana waad ogtihiin loolanka ka dhexeeya, lakin afku markuu banaanyahay Geeska Afrika oo dhan ayaan kala shaqaynayaa, maaha Xamar iyo Hargaysa oo qudha ee Jigjiga, Jabuuti iyo NFD baanu kala shaqaynaynaa” ayuu yidhi Shaacir.

Abwaanka ayaa hadal uu jeediyay 7 bishii July 4 cisho kadib markii dowlada Soomaaliya soo saartay magacaabistiisa, ku sheegay in anay jirin shaqo Xamar laga siiyay oo uu aqbalay, isagoo sheegay in uu ku xidhay shardiga ah in magacaabistiisu anay ku luglahayn arrimo siyaasadeed.

Ma cadda, abwaankuna si toosa ugama jawaabin in uu ka tagay xilkii ay dowlada Soomaaliya u magacowday, iyo in uu wali ka tirsanyahay xeeldheerayaasha afka ee Akadamiyada Afka iyo Suugaanta ee Soomaaliya.

Ad
Previous articleSomaliland oo war ka soo saartay Doorashada Somaliya
Next articleSomaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xariirka labada dal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here