Home Wararka Caalamka Turkiga oo 3 Qodob ka Faaiday Dagaalka Ruushu ku Qaaday Ukrain

Turkiga oo 3 Qodob ka Faaiday Dagaalka Ruushu ku Qaaday Ukrain

0

Tan iyo markii uu billowday dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine 24-kii bishii February, xaalado badan ayaa kusoo kordhay dunida, waxaana ka mid ah isbaddal ku dhacay xiriirka u dhaxeeya Turkiga iyo Ukraine.

Xukuumadaha Ankara iyo Washington ayay sannadihii ugu dambeeyay u dhaxeysay xurguf ku saabsan dhinacyo kala duwan oo ay ka mid tahay xakameynta awoodda hubka ee Turkiga.

Go’aanka uu Turkiga uga soo hor jeestay isku dayga uu Ruushka ku doonayo qabsashada Ukraine iyo dadaalka uu ugu jiro in labada dhinac lagu dhexdhexaadiyo hab diblomaasiyadeed ayaa sabab u noqday in Aqalka Cad uu “mahad celin” u hayo Ankara.

Khubarada dhinaca diblomaasiyadda ayaa sheegay in aysan wax lala yaabo noqoneynin haddii ay Madaxweyne Erdogan iyo dhiggiisa Mareykanka, Madaxweyne Joe Biden, kulan yeeshaan inta uu socdo shirka NATO ee loo ballansan yahay isbuuca soo socda.

Mowduucyada ay ka wada hadli doonaan waxaa ka mid ah sidii loo kordhin lahaa wadaxaajoodyada labada dal u dhaxeeya iyo arrimaha ku saabsan diyaaradaha uu Turkiga doonayo ee noocoodu yahay F-16 iyo xiisadda ku gedaaman gantaallada difaaca ee S-400.

Tan iyo Markii uu billowday dagaalka Ukraine, Turkiga ayaa u muuqday in uu dhowr arrimood ka faa’iiday arrintaas.

1- Xiriirka Turkiga iyo Mareyknka oo soo hagaagaya

Markii uu Ruushka gudaha u galay Ukraine waxa uu weerarkiisa ujeeddadiisa ahaa in aan la ballaarinin isbahaysiga Nato oo uu Putin ka baqayay in ay xuduudihiisa ku sii fidaan.

Tallaabadaas ayaa horseedday in isbahaysiga reer Galbeedka uu dhankiisa adkeysto difaaca, waxaana muhiim noqotay in sare loo qaado xiriirta uu Mareykanka la wadaago waddamada xubnaha muhiimka ka ah Nato, oo uu ka mid yahay Turkiga.

Turkiga ayaa isagana dhankiisa muujiyay sida uu u diiddan yahay dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine, inkastoo uu xiriir xooggan oo dhanka dhaqaalaha ah la leeyahay xukuumadda Moscow.

2- Turkiga Cadaadis laguma saari doono hirgelinta cunaqabateynta Ruushka

Mowduucyada ugu waaweyn ee ku saabsan wadahadallada la xiriira Ukraine ee lala yeeshay Turkiga waxaa ka mid ah in Mareykanku uu cadaadis ku saarayo Ankara inay si buuxda uga qayb qaadato cunaqabateynta lagu soo rogay Ruushka iyo in kale.

Waxaa Xukuumadda Ankara hoosta looga xariiqay in aan culeys lagu saari doonin arrintaas, haddii ay hawada Turkiga u furnaato Ruushkana aan cabasho laga keeni doonin.

3- In uu Turkiga helo diyaaradaha dagaalka F-16

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee Turkiga uu ka faa’iidayo in uu hagaago xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka waa in la dhammeystiro hirgelinta heshiiskii uu Washington uga iibsaday diyaaradaha dagaalka ee uu noocooda yahay F-16.

Labada dal ayaa isku khilaafsanaa qodobkan tan iyo dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay. Mareykanka ayaa diyaaradahaas u diri waayay Turkiga oo lacagtooda baxsaday kaddib markii ay xurguf ka dhalatay go’aanka uu Turkiga gantaallada difaaca hawada ee S-400 uga iibsaday Ruushka.

Ad
Previous articleCabdinuur Cabdullahi Warsame oo lagu Dilay Muqdisho iyo Faahfahin kasoo Baxaysa Dilkiisa
Next articleJubaland oo Maantay Soo Afmeertay kuraastii Taalay Kismaayo(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here