Home Wararka Somaliya Muqdisho oo lagu dilay labo wiil oo dhalinyaro ah

Muqdisho oo lagu dilay labo wiil oo dhalinyaro ah

0

Kooxo hubeysan ayaa B arqanimadii Maanta waxaa ay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dileen laba Dhalinyaro ahaa, iyaga oo dilka kadib Goobta ka baxsaday.

Dhalinyarada la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Axmed Xasan iyo Ismaaciil Axmed Siyaad, waxaana la sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya qeybta ilaalada Shacabka ee dharcadka loo yaqaan.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayay ay wateen Mooto nooca labada lug leh ee Fekonta loo yaqaan, waxaana weerarkaas sidoo kale lagu dhaawacay mid kale oo la socday.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilkaas, iyaga oo ku sheegay qraal lagu daabacay baraha ay ku leeyihiin Internet-ka in dhalinyarada la dilay ay ka tirsanaayeen Askarta Dowladda Soomaaliya.

Laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah fahin ah kama bixin dilka Bakaaraha loogeyo geystay askarta ka tirsanaa Ciidamada dowladda, waxaana dilkan uu kusoo aadayaa xilli Maanta Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo lala eegtay Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka iyo Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.

Ad
Previous articleFaah faahin ku saabsan Qarax lala Eegtay Taliye ku xigeenka C X D
Next articleDhuusomareeb oo laga sameeyah Howlgal Dad lagu soo qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here