Home Wararka Maanta Maanta oo kale sanadkii 2019-kii ayaa Qarax Lagu dilay Eng yariisoow iyo...

Maanta oo kale sanadkii 2019-kii ayaa Qarax Lagu dilay Eng yariisoow iyo Masuuliyiin kale

0

Maanta oo kale saddex sano ka hor (24 July 2019) waxaa Qarax ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas, iyadoo dhaawac culus oo maalintaas soo gaaaray todobaad kaddib u geeriyooday Allaha u Naxariistee Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)

Tuhunno badan ayaa ku gadaaman qaabkii baaritaankii loo maray kiiskaas. Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa dhammaan qaatay kaamirooyinki CCTV, sidoo kale kaamirada hoolka qarax ka dhacay ayaa dansaneyd sababo aan la ogeyn, waxaa kaloo jira markii falku dhacay in aan hey’adda CID oo baarista qaabilsaneyd in aan loo ogolaan, waana dhammaan tuhumada wali taagan oo aan jawaab loo heyn.

Baaritaan ka soo baxay Wasaaradda Amniga oo shan sadar lagu soo koobay ayaa lagu sheegay in Duqa Magaalada uu u beer-jilcay gabadha la sheegay inay qaraxa fulisay. Ma jirto qof ka mid ah madaxda amniga Gobolka oo loo xiray ama su’aalo laga weydiiyay wixii meesha ka dhacay marka laga reebo hal Askari kadibna la iska soo daayay, Ilaa iyo hadda, CID kama furno gal-baaritaan la xiriiro qaraxi Gobalka ka dhacay, sidoo kale Maxkamada Ciidamada qalabka uma suura-galin in wax gar-maqal ah ee sameyso, maadaama aanan la horgeynin dad lagu tuhmayo in ay ka danbeeyeen ama fududeeyeen qaraxi lagu khaarijiyay Guddoomiyaha iyo mas’uuliyiinti kale.

Guddoomiye Shuute oo CID-da mar kulan la qaatay ayaa hadalkiisa waxaa ka mid ahaa in CID-da furin gal-baaritaan la xiriiro qarixii lagu dilay Duqa Magaalada marka laga reebo Guddi Baaris ah oo Wasiirkii Amniga ee xilligaas hoggaaminayay.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo la Kulmay Madaxda Hay’adda USAID (Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo safarkii 7aad u ambabaxaya Maanta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here