Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay arimo Muhiim ah

Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay arimo Muhiim ah

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah kulan labo geesood ah magaalada Addis Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya, Mudane Demeke Mekonnen Hassen.

Labada Wasiir ayaa kulankooda kaga wada hadlay kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, diblomaasiyadda iyo la dagaallanka argagixisada, iyaga oo is dhaafsaday aragtiyo ku aaddan horumarrada iyo isbeddellada siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iskaashiga xooggan iyo deris wanaagga ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sare u qaadidda iskaashi uu saldhig u yahay ixtiraamka qarannimada, madax-bannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ad
Previous articleGolaha Wasiirada Dowlada Soomaaliya oo Go’aan kasoo saaray Ciidamadii La Geeyey Baladweyne(Sawiro)
Next articleRaysulwasaare Rooble oo Magacaabay Gudiga Dib usoo Celinta Ciidamadii Baladweyne Lageeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here