Home Wararka caalamka Layaab Dalka Kenya Raila Odinga oo loo dhaariyay Xilka Madaxweynaha Dalkaasi

Layaab Dalka Kenya Raila Odinga oo loo dhaariyay Xilka Madaxweynaha Dalkaasi

0
SHARE

Xisbiga Mucaaradka ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in ay Madaxweyne u dhaariyeen Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ka dib Munaasabad ka dhacday beerta Uhuru ee Nairobi.

Raila ayaa ku dhaartay in uu illaalin doono dastuurka dalka, islamarkaasna uu hoggaamin doono Kenya.

Hadal kooban oo uu jeediyay Raila dhaarta kadib ayuu sheegay in shacabka ay ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka kaligii talisnimada ah.

Xeer Illaaliyaha guud ee Kenya ayaa Raila uga digay in dhaarinta ay tahay fal qiyaano qaran ah, ciqaabtana ay tahay dil toogasho ah.

Horey waxaa dalka madaxweynenimo loogu dhaariyay Uhuru Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here