Home Wararka Somaliya Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xasan shiikh oo Kala Fogaaday Maxaa Sababay?

Axmed Madoobe iyo Xasan shiikh oo Kala Fogaaday Maxaa Sababay?

0

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa Axadii laga dhigay wasiirka amniga gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Fartaag ayaa waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta ay sida weyn isku khilaafsan yihiin hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Intii uu kursigan raadinayay koox ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo Axmed Madoobe aad iskugu dhow yihiin ayaa isku dayey inay Fartaag dhaafiyaan kursiga, iyaga oo waday qof kale laakiin wuxuu ballan sugan ka haystay dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana kooxda taabacsan Axmed Madoobe ee ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ku adkaatay inay Fartaag dhaafiyaan kursiga.

Fartaag oo ka tirsan xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sanad iyo barkii ugu dambeysay waxa uu dagaal siyaasadeed kula jiray Axmed Madoobe, wuxuu si weyn u kiciyay reer Gedo, wuxuu sheegay in la joogo waqtigii la badali lahaa maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Labada nin oo markii hore aad iskugu dhawaa ayaa mar dhexe isa-seegay, waxaana ugu wacan qanaaco la’aanta sii baaheysa ee reer Gedo ka qabaan nidaamka Axmed Madoobe.

In madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Fartaag ka dhigo wasiirka amniga gudaha waxay ka dhigan tahay inuu xushay mid kamid ah siyaasiyiinta reer Jubbaland ee aaminsan in Axmed Madoobe la bixiyo waqtigan.

Iyada oo ay jiraan warar sheegaya inuu Axmed Madoobe ka gadoodsan yahay qaabkii uu madaxweyne Xasan Sheekh u dhigay nuqulkii ugu dambeeyay ee afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka, ayaa haddana tani sii xoojineysa mad-madowga bilowga ah ee labada dhinac.

Madaxda maamullada qaar, gaar ahaan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale la hadal hayaa inay wada-xaajood hoose kula jiraan dowladda Itoobiya, xilli ay Addis Ababa dhawaan heshiis la gashay maamulka Puntland.

Magacaabista Fartaag ayaa la aaminsan yahay inay sii xoojin karto kala aragti duwanaanta soo ifbaxeysa ee Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Xogaha dheeraadka ah ee la xiriira maamulka Jubbaland waxay sheegayaan in Axmed Madoobe ka fikirayo inuu qaado tallaabooyin ku saabsan dib u doorashadiisa marka uu kasoo laabto Cumrada, xilli dowladda federaalka ah ee Soomaaliya aanay weli cadeynin mowqifkeeda ku aadan arrimaha doorashooyinka maamul goboleedyada.

Waxaa kale oo jira qorshe ay wadaan madaxda maamullada qaar oo ah inuu madaxweyne Xasan Sheekh qabto shirka Golaha Wadatashiga Qaran, iyada oo ujeedkooda yahay inay Xasan Sheekh ka dhameystaan dib u doorasho farsamaysan oo aan waafaqsaneyn dastuurkii dhawaan la ansixiyay ama muddo kororsi cusub, kaas oo isna sharci darro kale ah.

Lixdanka cisho ee soo aadan waxaa si weyn loo eegayaa halka uu saldhigto cilaaqaadka aan cagaha badan ku taagneyn ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Ad
Previous articleIsrail oo Dishay Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Xisbullah
Next articleDowladda Soomaaliya oo Gadiidkii Ugu Horeeyey ku wareejisay maamulka Khaatumo State

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here