Home Wararka Somaliya Dowlada Somaliya oo sheegtay in ay soo Wajahday Dhaqaalo Xumo

Dowlada Somaliya oo sheegtay in ay soo Wajahday Dhaqaalo Xumo

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in xilligaan dowladda Soomaaliya aysan heynin wax lacag ah kadib markii Beesha Caalamka oo lacago siin jirtay ay ka jaratay.

Wasiirka oo Waresi lagula yeeshay Baraha Bulshada ayaa sheegay in laga soo bilaabo Bishii Agoosto ee snadkii tegay ee 2020 wixii ka dambeeyay ay mushaaraadka ku bixin jireen lacag uga timid Sacuudiga & Qatar balse lacagtaas ay dhamaatay Bishii Decermber 2020 wixii ka dambeeyana ay sikale isku xalin jireen.

Waxaa uu sicad Wasiir Beyle u sheegay in Dowladda Soomaaliya ay haatan taagan tahay meeshii ugu dambeysay ee ah in aysan heynin wax lacag ah oo ay sagxada joogaan, isla markaana dhaqaalaha ay ka helaan Gudaha dalka , waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay isku tashadaan.

Hadalka kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan uu xumaaday xiriirka Beesha Caalamka iyo Madaxda mudo xileedkooda uu dhamaaday kadib markii Golaha Shacabka ay muddo kordhinta u sameeyeen, hayeeshee Beesha Caaamka ay kasoo horjeesatay.

Ad
Previous articleNabadoon lagu dilay Muqdisho xili uu kasoo baxay Masaajidka
Next articleXaafadaha Waqooyi ee Muqdisho oo Dhaq dhaqaaqyo Ciidan laga dareemay Xalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here