Home Wararka Maanta Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya oo Joojiyay Arin Shacabka Soomaaliyeed Dhib...

Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya oo Joojiyay Arin Shacabka Soomaaliyeed Dhib badan Ku Qabeen

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kormeer shaqo ku tagay Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID-da, halkaas oo loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dudaha iyo dibadda Dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray dhammaan Qeybaha iyo Waaxaha ay ka koobantahay CICID-da, isaga oo cabashadooda dhageystay muwaadiinta Soomaaliyeed ee adeega sugayay, iyada oo laga duulayo cabashada dadweynaha ayuu Taliyuhu soo saaray amarrada soo socda;-

1- Waxaa la mamnuucay qof udhaxeeya adeeg-bixiyaha iyo muwaadinka loo adeegayo.

2- Waxaa meesha laga saaray in muwaadiniintu ay adeeg sugaan waqti dheeraad ah oo laga maarmikaro. Isma markaana, adeega loogu qabto saacado gudahood.

3- Waxaa si faahfaansan loola wadaagidoona Bulshada habsami usocodka adeegan.

Ugu dambeyn, Waxaa uu Taliyuhu uga mahadceliyay muwaadiniinta cabashadooda la wadaagay, isaga oo u ballanqaaday in uu kormeer iyo korjoogteyn joogto ah ku samayn doono Xarumaha Booliska ee bixiya adeegyada dadweynaha.

Ad
Previous articleKhilaaf Ka Dhextaagan Maamulka Gobalka Banaadir iyo Howlihii Shaqada oo Maantay Taagan
Next articleWaa sidee xaaladda magaalada Laascaanood maanta?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here