Home Wararka Maanta Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo guddiga oo si wadajir ah uga dalbaday Aadan Madoobe...

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo guddiga oo si wadajir ah uga dalbaday Aadan Madoobe inuu Baarlamaanka ku daba galo…..

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo u dhexeeyey guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo Ergeyga gaarka ah  ee Madaxwaynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasrsme oo ay weheliyaan gudigga gurmadka Abaaraha.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha gurmadka Abaaraha ee loo sameynayo dadka tabaaleysan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo guddiga ayaa si wadajir ah uga dalbaday Aadan Madoobe inuu Baarlamaanka ku daba galo sababta weli xukuumadda u sheegi la’dahay qoondada ay ugu talo gashey lacagtii dowlada Imaaraadka Carabta ugu deeqday Abaaraha ka jira dalka.

Guddiga ayaa sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ka codsaday in jawaab rasmi ah laga keeno lacagtii halka milyan aheyd ee xukuumaddu sheegtay inay Abaaraha ugu yaboohdey oo aan ilaa hadda jirin wax hormar ah oo laga sameeyey.

Sidoo kale gudiga Abaaraha iyo Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada ayaa guddoomiyaha waxay ka codsadeen in lagu waraajiyo qaybtii baarlamaanka Abaaraha uga qoondeeyey lacagihii musharaxiinta Madaxwaynaha JFS laga qaaday, si wax loogu qabto dadka tabaaleysan kuwaas oo ku nool qeybo ka mid ah dalka.

Dalabkan xasaasiga ah ayaa kusoo aadayo, iyada oo dalka uu haatan ka socdo abaabul xoogan oo ay hormuud u tahay dowladda Soomaaliya, kuna aadan gurmadka Abaaraha.

Soomaaliya ayaa waxaa ku dhuftay Abaar xoogan oo saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada, waxaana haatan isa soo taraya xaaladaha bini’aadanimo ee lasoo warinayo

 

 

Ad
Previous articleMaxkamada Sare ee Kenya oo Dalbatay inu Uhuru kenyata Xilka Laga Qaado
Next articleBanaanbax Xoogan oo Ka dhacay Magaalada muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here