Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo Dhigiisa Itoobiya Abiya Axmed Kulan Gaar ah la Qaatay

Madaxweyne Farmaajo oo Dhigiisa Itoobiya Abiya Axmed Kulan Gaar ah la Qaatay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis ababa kulan gaar ah kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed.

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrikas sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Farmaajo ayaa ka qayb galay Meertada 35-aad ee Shir Madexeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.

Shirka waxaa ka qayb galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika, Madax ka socota ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo korjoogto kale.

Ad
Previous articleDowlada Marooco oo ku Dhawaaqday in Rayaan Geeriyooday kadib 5 Cishe oo Ceel Ku Dhexnoolaa
Next articleDeg Deg Cali Guudlaawe oo ku Wajahan Baladweyne iyo jeneraal Xuud oo Diiday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here