Home Wararka Maanta Maalgashiga Dekada Hobyo oo Xalay Laga Daahfuray Magaalada Hobyo iyo Madaxda Galmudug...

Maalgashiga Dekada Hobyo oo Xalay Laga Daahfuray Magaalada Hobyo iyo Madaxda Galmudug oo isugu Tagay(Sawiro)

0

Xalay Waxaa Magaalada Hobyo laga Daahfuray Xafalada Lagu Magac Daray Maalgashiga Dekeda Hobyo Taas oo La qorshaynaayo in Dhawaan Laga Dhagaxdhigo Magaala Xeebeedka Hobyo.

Xafladaan ayaa Waxaa Xalay isugu Yimid Boqolaal Qof oo Ka Mid ahaa Madaxda Galmudug iyo Ganacsatada Kasoo Jeeda Deeganada Galmudug kuwaas oo ku Dhawaaqay inay Diyaar uyihiin inay Maalgashadaaan Dekada Laga Dhisaayo Hobyo.

Cabdinur Shido oo ka Mid ahaa Ganacdatada Galmudug ayaana Ku dhawaaqay in lahaayo Lacag ku dhow 20 milyan oo Doolar Taas oo lagu Sii Bilaabaayo Dhismaha Wuxuu Kaloo Balan Qaaday Ganacsadihii keensada 500,000(Shanboqol oo kun oo Doolar) inuu ka Mid noqonaayo Madaxda Shirkada.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo ay kasoo qayb galeen Xildhinaanno ka tirsan BFS, mudnayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kana dhacday Degmada Hobyo.

Munaasabadda oo looga hadlayay maalgashiga Dekadda Hobyo ayuu madaxweynuhu ka sheegay in farxad weyn ay tahay in bulshada reer Galmudug ay ku midoobeen dhismaha Dekaddooda Hobyo, kaddib dadaal dheer oo ay galisay Dowladda Galmudug. Madaxweynuhu wuxuu ku dheeraaday muhiimadda iyo faa’iidada ay bulshada reer Galmudug u leedahay Dekadda Hobyo.

 

Ad
Previous articleXamaas oo Guulo waawayn ka Sheegatay Dagaalkii Ka Socda Gaza
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dr Axmad Xassan iyo Macalin Liibaan oo Xalay Lagu Dilay Duleedka Dhuusamareeb(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here