Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay mar kale ka hadlay heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo dagaal lagu difaacayo madax bannaanida Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa u sheegay xildhibaannada uu la kulmay inay u dhiman doonaan difaaca dhulkii aabaayaasheen iyo awoowayaasheena, ayna uga tageen isaga oo xor ah.
Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah farriin u gu diray dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo u ugu baaqaay inay diyaar garoobaan dagaalka difaaca badda,
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli sii laba kacleyneyso xiisadda ka dhalatay heshiiska badda, waxaana haatan dalka isaga baxay safiirkii Itoobiya u joogay Muqdisho.
Bixitaanka safiirka ayaa sidoo kale timid shan maalmood kadib markii Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya, ayada oo ka careysan heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland oo sida la sheegay lagu siiyey qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.