Home Wararka Somaliya Diyaarado rakaab ah oo Maanta u safraya Kenya Muddo ka dib

Diyaarado rakaab ah oo Maanta u safraya Kenya Muddo ka dib

0

Waxaa maanta dib u bilowday duulimaadyada tooska ah ee magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi kadib markii dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ku gaareen in dib loo soo celiyo xiriirka labada wadan.

Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa shalay qoraal rasmi ah ka soo saartay dib u soo celinta xiriirka labada dal kadib markii ay dowlad Kenya hore ugu xirtey shuruud ah inay qoraalka soo saarto xiriirka labada dal.

Shirkadaha duulimaadyada ayaa soo dhoweeyay dib u bilaabid duulimaadyada labada dal inkastoo weli ay xayiraad saaran tahay diyaaradaha ka soo qaadi jirey qaadka magaalada Nairobi.

Illaa afar diyaaradood oo rakaab ah ayaa lagu wadaa in maanta ay ka baxdo magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Xukuumadda Kenya ayaa hawada Soomaaliya ka xirtay Diyaaradaha Kenya ka safra marka laga reebo kuwa gargaarka ee u shaqeeya Qaramada Midoobay, Caafimaadka iyo Ciidanka oo ay dalbatay in xitaa lala socodsiiyo waxa ay wadaan.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay dib u furayso Safaaradeeda Nairobi
Next articleCiidamo la geeyay Goobo in Mudda ah colaado ay ka jireen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here