Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo Hadal Quus ah kasoo Saartay Dagaalka Ka Socda Suudaan

Qaramada Midoobay oo Hadal Quus ah kasoo Saartay Dagaalka Ka Socda Suudaan

0

Iyadoo dagaalka ka socda dalka Suudaan  ee u dhaxeeya Milatariga iyo xooggaga taageerada deg-dega ah uu galay maalintii 4aad, ayaa waxaa soo baxay rajo xumo ku aaddan suurta galnimada in halkaasi ay ka hirgasho waan waan Nabadeed.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan Volker Peretz, ayaa meesha ka saaray in labada dhinac ee dagaalamaya ay doonayaan in xal laga gaaro dagaalka halkaasi ka socda.

Qoraal kooban oo uu Volker Peretz, u gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayuu ku sheegay in dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan, ay baaqyo nabadeed u soo bandhigeen inta badan Ururada gobalka, gaar ahaan Urur gobaleedka IGAD, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, balse ay muuqato in aanay diyaar u aheyn wax waan waan nabadeed ah.

Sidoo kale, Peretz wuxuu warbixintiisa kooban ee golaha ammaanka ee ku saabsan xaaladda gudaha Suudaan ku sheegay in dagaalku uu weli ku kooban yahay labada dhinac ee colaaddu u dhaxayso, kuwaasi oo ku loolamaya gacan ku haynta caasimadda dalka ee Khartoum.

Ad
Previous articleNinka Muslimka ah ee isaga oo sooman maalin walba ordaya 10 km
Next articleCabdiraxman CabdiShakuur oo weerar ku qaaday xukuumadda Xamza Amaanayna Xasan shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here