Home Wararka Maanta Diblomaasiyiinta Mareykanka Oo Laga Daad Gureeyay Dalka Suudaan

Diblomaasiyiinta Mareykanka Oo Laga Daad Gureeyay Dalka Suudaan

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay sheegay in militariga Mareykanku ay soo afjareen daadgureynta shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Suudaan, wuxuuna ku baaqay in lasoo afjaro rabshadaha aan “mabda’a laheyn” ee halkaas ka dhacay, iyadoo laba hoggaamiye oo iska soo horjeeda ay ku loollamayaan awoodda Sudan.

Biden ayaa u mahadceliyay ciidamada Mareykanka ee fuliyay howlgalkii lagu soo saarayay shaqaalaha Mareykanka ee ku suganaa Suudaan.

Daad-gureyntan, ayay Washington ku xirtay safaaradda Mareykanka ee Khartoum muddo aan la cayimin, waxaana shaqaalahan loo duuliyay meel aan la shaacin oo ku taalla Itoobiya, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah oo xog-ogaal u ah hawlgalkan.

Ciidamada Maraykanka ayaa hawlgalkan fuliyay, iyadoo dagaalkani uu u dhexeeyo laba taliye oo hubaysan – kaas oo lagu dilay in ka badan 400 oo qof, kaas oo Sudan galiyay halis burbur iyo cawaaqib xumo ka durugsan xudduudaheeda, waxaana uu dagaalkani galay toddobaad labaad.

“Waxaan si weyn ugu faanayaa shaqaalaha safaaradeenna oo waajibaadkooda u gutay si geesinnimo iyo hufnaan leh, isla markaana muujiyay saaxiibtinimada Maraykanka iyo xiriirka dadka Sudan,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray. “Waxaan ka mahadcelinayaa xirfadda aan lasoo koobi karin ee ciidankayaga, kuwaas oo si guul leh shaqaalaha ugu qaaday goob ammaan ah” ayuu raaciyay Biden.

Biden waxa uu sidoo kale u mahad celiyay Jabuuti, Itoobiya, iyo Sacuudiga oo gacan ay ka geystay howlgalka lagu soo daad-gureeyay shaqaalaha safaaradda Mareykanka.

Biden ayaa ku amray ciidamada Mareykanka inay daadgureeyaan shaqaalaha safaarada kadib markii uu talo soo jeedin ah ka helay kooxdisa amniga qaranka Sabtidii.

Ad
Previous articleTuugo dhac ka waday xaafado ka tirsan Muqdisho oo gacanta lagu dhigay Xili amaanka Muqdisho soo Hagaagaayo(Sawirro)
Next articleAlShabaab oo shaacisay magaca ismiidaamiyihii fuliyay weerarkii lagu dilay Taliyihii Danab ee Xasan Tuure

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here