Home Wararka Maanta Dowlada Britain oo sheegtay saldhig ciidan inay ku hayneyso dadka Tahriibka Ku...

Dowlada Britain oo sheegtay saldhig ciidan inay ku hayneyso dadka Tahriibka Ku Yimaada

0

Dowladda Britain ayaa sheegtay dadka soo galootiga ah oo sida sharci darrada ah dalkaasi ku soo galo iney ku hayneyso xero militari oo ay ciidamadeeda isticmaali jireen xilligi uu socday dagaalki labaad ee adduunka.

Koox taariikhyahanno ah oo caan ka ah caalamka ayaa warqad furan u qoray dowladda Ingiriiska warqaddaasi oo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan qorshaha dadka magan-galyo doonka ah lagu dajinayo saldhigga ciidamada cirka ee taariikhiga ah.

Golaha Deegaanka Galbeedka Lindsey ayaa horraantii bishan xaqiijiyay in Xafiiska Arrimaha Gudaha ee Ingiriiska uu qorsheynayo inuu u beddelo Saldhigga Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Ingiriiska ee Scampton ee gobolka Lincolnshire, laga dhigo xaruun magan-galyo doonka lagu hayo.

Xerada ay Britain qorsheyneyso iney ku hayso dadka magan-galya doonka ah ayaa saldhig u ahaa ciidamadi cirka oo la oran jiray ‘617 Dambusters”.

Khabiir ku takhasusuay taariikhda dagaalki labaad ee adduunka wuxuu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Britain Soella Baraverman iney isniinti u geeyeen warqad ay saxiixeen koox taariikhyahanno ah.

Xaruunta oo si rasmi ah loo aasaasay 23-kii March 1943-kii.

“Waxaa jira meelo badan oo dalka Britain ku yaalla oo magangelyo-doonka la dejin karo kuwaas oo ay ka heli karaan naxariista iyo daryeelka ay aadka ugu baahan yihiin,” ayuu yiri James Holland.

“Balse ma habboona in goob taariikhda qani ku ah uu dalka oo dhan ku faano in dadka magan-galya doonka ah la dajiyo,” ayuu sii raaciyey.

Dawladda Britain waxay horay u shaacisay sharci cusub kaas oo si wax ku ool ah uga mamnuucaya qof kasta oo dalkaasi ku yimaada waddo sharci darro ah inuu magangalyo ka dalbado UK.

Wakiilka UNHCR ee UK, Vicky Tennant, ayaa BBC-da u sheegtay in tallaabadani ay ka hor imaan doonto sharciga caalamiga ah ee ilaalinaya xuquuqda dadka magangalya doonka ah.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Suella Braverman ayaa sheegtay in sharcigu uu xaddidi doono “xudduudaha sharciga ee caalamiga ah”, iyadoo sheegtay in ay jirto bahai ku saabsan sharcigaan si “loo xalliyo dhibaatadan”.

Qof kasta oo lagu helo inuu si sharci darro ah ku soo galay dalka waxa sidoo kale laga hor istaagi doonaa inuu ku soo laabto ama uu mustaqbalka sheegan doono dhalashada Ingiriiska.

Ad
Previous articleTartan orod oo loogu magac daray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ka dhacay Jigjiga
Next articleAl-Shabaab oo shaacisay xogta nin ajnabi ahaa oo isku qarxiy Xerada Janaay Cabdalle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here