Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo lacago Farabadan ku Bixinaaya in Xilka laga Qaado Gudoomiye Cali...

Alshabaab oo lacago Farabadan ku Bixinaaya in Xilka laga Qaado Gudoomiye Cali Jayte(Xog)

0

Maxamed Cabdi Waare oo haatan ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan xasillinta iyo arrimaha rayidka deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ayaa war qoraal oo uu soo saaray kaga hadlay qorshe xasaasi ah oo ay kooxda Al-Shabaab ka damacsan tahay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Waare oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay malaayiin dollar ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa guddoomiye Cali Jayte Cismaan, isla-markaana xilka looga qaadi lahaa, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sidoo kale xusay in beddalka Cali Jayte ay tahay mid u hiilinaysa Al-Shabaab, isla-markaana ay hoos u dhigeyso howlgallada ka socda gobolka.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ugu baaqay inuu iska ilaaliyo dhagarta Al-Shabaab, isaga oo ka dalbaday in uusan beddalin Cali Jayte.

“Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al-shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jayte loo bedeli lahaa,” ayuu qoraalkan ku yiri Waare.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Beddalka guddoomiye Jayte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne Guudlaawe Xuseen iska daa Guddoomiye Jeyte!.”

Cali Jayte ayaa door weyn kasoo qaatay howlgalladii gobolka Hiiraan oo jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran looga qabsaday kooxda.

Sidoo kale waxa uu hadda hoggaaminayaa wejiga labaad ee howlgalka xoreynta oo la doonayo in Al-Shabaab looga saaro galbeedka Hiiraan.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo haatan uu taagan yahay khilaaf u dhexeeyo guddoomiye Cali Jayte iyo maamulka HirShabelle, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda maamulkaasi, kaas oo ka dhashay mideynta canshuuraha.

Ad
Previous articleBajaajleyda Muqdisho oo diidan go’aankii ka soo baxay Dowlada Soomaaliya
Next articleBooliska Muqdisho oo soo qabtay nin dambi culus ka geystay degmada Ka Tirsan Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here