Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo ka hadlay Muhiimada iyo dhismaha Golayaasha Deegaanka...

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo ka hadlay Muhiimada iyo dhismaha Golayaasha Deegaanka (Sawiro)

0

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ahna ku simaha madaxweynaha Mudane Ali Dahir Eid ayaa hadal kooban ka jeediyey Kulan looga hadlayey sida ugu haboon Ee loogu midoobi karo dhismaha golayaasha deegaanka dhamaan degmooyinka Galmudug oo ka dhacay magaalda Casimada Galmudug Ee Dhusamareeb.

Kulankan oo ay soo abaabushay hay’ada Horn Centre Dialogue ayaa waxaa ka qeyb galay senatoro, wasiiro, mamulka Caasimada iyo qeybaha kala duwan Ee bulshada Galmudug.

Kusimaha madaxweynaha ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhiso golayaasha deegaanka waxaana uu qeexay inay ka go’antahay dowlada Galmudug in la dhameystiro dhismaha golayaasha deegaanka ee Degmooyinka waxaa uu intaas ku daray in aan la siyaasadeyn oo loo fahmo in gole deegaan uu yahay u adeege bulshada baahi yaheeda kala duwan.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa u mahad celiyey Horn Centre Dialogue howlaha ay kawado Galmudug Ee la xariira dib u heshisiinta arimaha sidii loo gaari lahaa dowlad wanaag loo dhanyahay.

Ad
Previous articleDoorashada Kursigii loo diiday Gudoomiye Jawaari oo Lagu calinaayo
Next articleWasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug oo Heshiis dhaxdhigtay Beelo ku dagaalamay Huurshe iyo Xeraale (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here