Home Wararka Maanta Khilaaf Ka Dhextaagan Maamulka Gobalka Banaadir iyo Howlihii Shaqada oo Maantay Taagan

Khilaaf Ka Dhextaagan Maamulka Gobalka Banaadir iyo Howlihii Shaqada oo Maantay Taagan

0

Khilaaf u dhaxeeyo Guddoomiyaha Maaliyadda iyo kan amniga ee gobalka Banaadir ayaa maanta ka taagan xarunta dowladda Hoose ee Muqdisho.

Mas’uuliyiintaan ayaa isku khilaafay qofka noqonaya Guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo ku simaha Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho maadaama uu dalka dibadiisa ku maqan-yahay Sheekh Yuusuf Jimcaale Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Guddoomiye Madaale ayaa ka hor inta uusan u ambabixin dalka Masar ku simaha Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo duqa Muqdisho u magacaabay Maxamed Axmed Yabooh oo ah Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda.

Villa Somalia hore uma cadeynin qofka ah Guddoomiye ku xigeenka 1-aad, si lamid ah dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo si looga baaqsado is qabqabsi iyo muran shaqada saameeya sida hadda ka taagan Gobalka Banaadir.

Ad
Previous articleGalmudug oo Yeelatay Ciidamo Cusub oo aan Horay uga Jirin Deegaanada Galmudug(Sawiro)
Next articleTaliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya oo Joojiyay Arin Shacabka Soomaaliyeed Dhib badan Ku Qabeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here