Home Wararka Maanta Gudoomiye Shiikh Aadan Madoobe oo Baydhabo kula kulmay siyaasiyiin Kasoo Horjeeda Laftagareen...

Gudoomiye Shiikh Aadan Madoobe oo Baydhabo kula kulmay siyaasiyiin Kasoo Horjeeda Laftagareen (Sawirro)

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaatay siyaasiyiin reer Koonfur Galbeed oo ka aragti duwan Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay xaalada deegaanka uu ku sugan yahay, iyagoo soo dhaweeyay ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo gogoshiisa taalo magalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa siyaasiyiinta Koonfur Galbeed lawadaagay in meesha laga saaro waxkastoo kala shaki keeni kara, isagoo xusay in ciidanka ay ku laabtaan xarumahooda si shirka uu ugu qabsoomo jawi nabdoon oo lagu wada qanacsanyahay, waxayna isla qaateen in laga wadashaqeeyo xasilloonida amniga iyo deegaanka.

Dhinaca kalem Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS. Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ku guda jira kulamadii kala duwanaa uu la yeelanaayay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo hay’adaha amniga magaalada Baydhabo ayaa maanta la kulmay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo uu kala hadlay arrimaha dib u heshiisiinta KGS.

Golaha Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyeen sida uu wakhtiga badan ugu bixinayo in bulshada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanadan ay heshiis nabadeed u wada qaadan lahaayeen, iyagoo adkeeyay in ay hormuud ka noqon doonaan Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo duubabka dhaqanka uga mahadnaqay sida ay u soo ajiibeen markale inay kulan looga hadlaayo gogol nabadeed oo dan u ah dadka reer Koonfur Galbeed, muhiim na tahay in laga wada heshiiyo madmadowga ka dhex taagan siyaasiyiinta iyo bulshada.

Ad
Previous articleDowlada Federaalka iyo afar dowlad goboleed oo ku heshiiyey qeybsiga deeqaha caalamka
Next articleYusuf Dabageed oo shaaciyey in guulaha laga gaaray Shabaab aysan aheyn sida la moodo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here