Home Wararka Maanta ilhaan Cumur oo Xaflad aan Caadi ahayn oo Soo Dhawayn ah Loogu...

ilhaan Cumur oo Xaflad aan Caadi ahayn oo Soo Dhawayn ah Loogu Qabtay Muqdisho(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabad soo dhaweyn iyo casho sharafeed ah ugu sameeyay magaalada Muqdisho, Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka.

Munaasabadda oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal qof oo isugu jira masuuliyiin iyo marti sharaf kale ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay wuxuu sheegay in Ilhaan Cumar ay muujisay karti, aqoon iyo firfircooni, taasi oo uu sheegay inay sabab u tahay guusha ay ka gaartay Mareykanka.

Waxaana uu sheegay inay tusaale wanaagsan u tahay qurbajoogta Soomaaliyeed ee hiigsigooda darteed meel sare ka gaaray siyaasadda dalalkooda.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo iyana ka hadashay xafladda ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, iyada oo ku ammaantay Xukuumadda #DanQaran guulaha is daba joogga ah ee ay ka gaartay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee dhibaatooyinka ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Madaxweynaha Jubaland, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, Xildhibaannada labada Aqal, Wasiirro iyo marti sharaf kale

Ad
Previous articleKooxda ALshabaab oo Markii ugu Horaysay Xayiraad Kusoo Rogtay Shirkada isgaarsiinta Hormuud
Next articleAbaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ka billowday Gobalada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here