Home Wararka Maanta Ninka 15-ka sano hoggaaminayay kaniisadda ee isaga iyo xertiisaba ay qaateen diinta...

Ninka 15-ka sano hoggaaminayay kaniisadda ee isaga iyo xertiisaba ay qaateen diinta islaamka sanadkanna xajinaya

0
  1. Ibraahim Richmond oo ahaa wadaad Kirishtaan ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, dhawaana qaatay diinta Islaamka, ayaa waxaa sanadkan uu kamid yahay kumanaanka muslimiinta ah ee gudanaya xajka

    Richmond waxa uu islaamay saddex bilood ka hor. Kumanaan Masiixiyiin ah oo kaniisaddiisa ka tirsan ayaa raacay oo aqbalay Islaamka.

    Muuqaal fayras ah, kaas oo ku soo baxay internet-ka bishii March, Richmond iyo kumanaan taageerayaashiisa ah ayaa la arkay iyagoo ku dhawaaqaya Shahaadada.

    Waxa uu yiri, “Waxaan ahaa wadaad kaniisad muddo 15 sano ah, oo waxaan ahaa hoggaamiyaha kiniisadda, taas oo lahayd 100,000 oo raacsan.”

    Saddex bilood ka hor, waxaan isla kaniisada ka sheegay in aan qabsanno shahaadada, wayna taageereen wixii aan sheegay, wayna ku celceliyeen. Ka dib waxaan arkay walaal muslim ah oo noo soo socda.,” ayuu yiri.

    Waxa uu yiri isaga oo ka hadlaya imaatinka xajka, “Markii ugu horaysay ee la igu casuumay in aan soo xajiyo, maan hubin, Waxaan mooday inaanan tagi karin. Laakiin hadda, halkan ayaan joogaa… anigoo raacaya tallaabooyinkii Nebi Muxamed, NNKH malaayiin dadkayguna waxay raaci doonaan tallaabooyinkan si ay u arkaan iftiinka.”

Ad
Previous articleCiidamadii Xasiliyay Muqdisho oo ATMIS kala Wareegay Xero Wayn oo ku Taala…(Sawiro)
Next articleWAR DEG DEG AH: Dagaal Qaraar oo Ka socda Inta U Dhaxaysa Guriceel iyo Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here