Home Wararka Somaliya Sawiro:- Madaxweynaha Somaliya Farmaajo oo goor dhow soo gaaray Caasimada Dhuusomareeb

Sawiro:- Madaxweynaha Somaliya Farmaajo oo goor dhow soo gaaray Caasimada Dhuusomareeb

0
Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa galabta galinkii danbe kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaraha Caasimadda Galmudug ee Ugaas Nuur Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay.
Socdaalka Madaxweynaha JFS mudane Farmaajo ayaa la xiriira qabsoomida shirkii u dhawaan ku baaqay ee dhexmari doona Madaxda DFS iyo DX ah, shirkaas oo ay marti gelineyso Dowladda iyo shacabka Galmudug.
Madaxda kale ee Maamulada dalka ayaa la filayaa in ay soo gaaraan Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb halkaasi oo shir ka furmayo dhawaan.
Shirka ayaa loo arkaa kii ugu danbeeyay ee xalka Somaliya lagu gaari laha hadii uu fashilmo waxaa laga baqayaa in xaalada ay noqoto mid adag marka la eego doorashada Dalka.
Ad
Previous articleSawiro:- Ra’iisul wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Caasimada Dhuusamareeb
Next articleMadaafiic Lagu Garaacay Caasimada Dhuusamareeb oo ay ku Suganyihiin Madax kala duwan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here