Home galmudug Shirka Wadatashiga Dib-u Eegista Sharciga Socdaalka Oo Maanta Cadaado Ka Furmay (Sawiro)

Shirka Wadatashiga Dib-u Eegista Sharciga Socdaalka Oo Maanta Cadaado Ka Furmay (Sawiro)

0
SHARE

Caasimadda KMG ah ee Dowlad goboleedka
Galmudug ee Cadaado ayaa waxaa maanta ka
furmay Shirka Wadatashiga Dib u eegita
Sharciga Socdaalka Soomaaliya.

waxaana
shirkaani daahfuray la taliyaha dhanka sharciga
ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya C/nasir
Hashi.

Waxaa kasoo qeyb galay Shirkaan Mas’uuliyiin
ka tirsan maamulka Galmudug oo ay ka mid
yihiin wasiirka arimaha Gudaha, Wasiirka
Maaliyada, Wasiirka Dastuurka iyo Wasiirka
Gadiidka cirka iyo dhulka, waxaana ay
dhamaantood si isku mid ah u sheegeen in ay
muhiim tahay in dib u eegis lagu sameeyo
sharciga Socdaalka dalka, maadama sharciga
hada jira markii la sameenayay uu dalku ahaa
dowlad dhexe, balse hadda la qaatay nidaamka
Federaalka.

Hay’adda Socdaalka ayaa bilihii lasoo dhaafay
waday dadaallo kala duwan oo lagu
hormarinaayo Hay’addaasi, oo muhiim u ah
bulshadda Soomaaliyeed.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here