Home wararka Dalka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Gaalkacyo..

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Gaalkacyo..

1
SHARE

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Jimco ah gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta labada Gole ee Galmudug ayaa ujeedka ay u tageen magaalada Gaalkacyo waxa ay tahay sidii ay uga  qeyb qaadan lahaayeen soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynata Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo sidoo kale sheegay marka uu Madaxweynaha yimaado in uu booqan doono dhammaan degaanada Galmudug, ayna u bandhigi doonaan baahiyaha daran ee ka jira Galmudug.

Ammaanka guud ee degaanada Maamulka Galmudug ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo Madaxweynaha Soomaaliya booqashada Galmudug uu ka bilaabi doono.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) uu ku marayo qeybo ka mid ah Gobolada dalka ayaa waxa uu yahay mid ku teetsan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

1 COMMENT

  1. Waa wax aad loogu farxo dadaalka aan loo kala harin & qaban qaabadda Qaran ee ka socota Gayiga Gal-Mudug..qaban qaabadaasi oo aan loo kala harin min saqiir ilaa ciroole..& guud ahaan qeybahiisa kala duwana ay u dhan yihiin – waxaan raejynaa in dhacdani ama booqashaani ay noqon doonto mid taariikhi ah.

    Sanadkaani alle ha inooga dhigo sanadkii barwaaqadda,midnimadda & Horumarka ay ku tilaabsan lahaayeen umadda Soonaaliyeed.. aamiin.

    Guul Gal-mudug state

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here