Home wararka Dalka Dhageyso Madaxweyne Farmaajo oo ka Hadlay Maxaabiis ku Xiranka Dalka Hindiya oo...

Dhageyso Madaxweyne Farmaajo oo ka Hadlay Maxaabiis ku Xiranka Dalka Hindiya oo lasiideenayo..

2
SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan ay dalka soo gaari doonaan ku dhawaad 100 Maxbuus oo ku xirnaa Sanado badan dalka Hindiya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheeri ah ku bixisay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiistaasi oo xilliggaan la kulmaya dhibaatooyin kala duwan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay soo deyn doonto Maxaabiista loo heysto Falalka Burcadbadeednimo ee ku xiran dalka Hindiya.

Wadanka India ayaa kamid ah wadamad ugu badan oo ay ku xiran yihiin maxaabiista Soomaalida,kuwaasi oo loo heysto oo  fal dambiyeed la xiriira Burcad Badeednimo,inkastoo sanadihii ugu dambeeyey uu hoos u dhac ku yimid weeraradii afduubka maraakiibta.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Codka Farmaajo.

2 COMMENTS

  1. WAX BURCAD BADEED LADHAHAA MA JIRTO,MAXAABIISTAASINA MUDADDII XARIGOODA BAY SOO DHAMAYSTEEN,
    HADII AAN MARAAKIIBTA JIRIIFKA LASOO MAXKAMADAYNAYNIN WAXAANU LEENAHAY WAX BURCAD BADEEDA MA JIRTO,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here