Home Wararka Somaliya Jubbaland Ciidamada Dowlada oo Burburiyay Saldhig Wayn oo Alshabaab ku sugnaayeen Dilayna……

Ciidamada Dowlada oo Burburiyay Saldhig Wayn oo Alshabaab ku sugnaayeen Dilayna……

0

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howl-gal ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ku bur-buriyay xarumo ay ku dhuumaleysanayeen kooxda Al-Shabaab.

Xarumaha la bur-buriyay ayaa ku kala yaallay deegaanada Buula-madeey iyo Alamgaab oo ka tirsan gobolkaasi, ayada oo inta uu socday howl-galka ciidamada saareen miinooyin dhowr ah oo ay kooxda ku aastay waddooyinka.

Howl-galkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay illaa iyo siddeed dagaal-yahaan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ay toogteen ciidamada huwanta ee howl-galka ka fuliyay deeganadaasi.

Howl-galadan ayaa ujeedka ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga degaanada maamulka Jubbaland, kuwaasi oo sii socon doona inta guud ahaan kooxda laga sifeeynayo degaanada ay kaga dhuumaaleeysanayaan Jubbada Hoose, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta dowlad-goboleedka Jubbaland Saleebaan Maxamad Maxamud.

Wasiir Saleebaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galo si wada-jir ah u fulinayaan ciidanka xoogga, kuwa Jubbaland iyo saaxiibada caalamka ah, kuwaasi oo lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab iyo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobollada Jubbooyinka.

Bulshada deegaanadaasi ayuu ugu dambeyntiina wasiirku ugu baaqay inay ka qeyb qaatan howl-galka, si kooxda looga xoreeyo deegaanada maamulka Jubbaland iyo dalka guud ahaan.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay uu dagaalka Al-Shabaab si dardar leh uga socda deegaanada maamulka Jubbaland, iyada oo dhawaan madaxweynaha Jubbaland uu tegay Afmadow oo muhiim u ah gulufka dagaal ee Jubbaland ay ku wajaheyso kooxda.

Al-Shabaab waxay Jubbaland ka joogaan dhul baaxad leh, waxaana halka maamul oo gobol buuxa ay ka xukumaan Al-Shabaab, gobolkaas waa Jubbada Dhexe.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in seddaxda gobolka ee Jubbaland la isku yiraahdo, ay labada gobo lee kale mid-ba qeyb ka joogaan, markii laga reebo Jubbada Dhexe oo ay wada xukumaan.

Marar badan waxaa madaxweynaha maamulkas lagu eedeeyey inuu ka caga jidayo in kooxda laga xoreeyo dhulka baaxadda leh oo Jubbaland ay ka joogaan, waxayna kooxdu si lamid ah gobollada kale weerarro culus ka fulisaa deegaanada Jubbaland.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo kulan La Qaatay Wasiir Albert Shingiro(Sawiro)
Next articleSSC oo Magaalada Laasacanood Usameeyey Ciidamo Boolis ah(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here