Home Wararka Maanta Sababtii Shalay oo Weeraray Suuqa Bakaaraha Iyo Khasaaraha La Qariyay ee ka...

Sababtii Shalay oo Weeraray Suuqa Bakaaraha Iyo Khasaaraha La Qariyay ee ka Dhashay

0

Qaraxyo ayaa salaaddii duhur kadib shalay laga maqlay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray goobo ganacsi.

“Waxaan indhahayga ku arkayey toddoba qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca saddex kale,” ayuu yiri goobjooge diiday inaan magaciisa baahinno.

Goobjoogahaan oo sidoo kale ah ganacsade tukaan ku leh suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in hal mar uu isbaddeley jawiga suuqa, gaar ahaan qaybta lagu iibiyo alaabta Electron-ga oo khasaaraha ugu badan uu gaaray.

Waxa uu sheegay in dadkii ku sugnaa suuqa ay kala carareen iyadoo si dhaqsi leh loo xiray dukaamadii furnaa.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo gaaray suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa beegsiga ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Maxay tahay sababta loo weeraray suuqa?

Sida uu sheegay Axmed Cabdullaahi Kaboole, oo arimah ammaanka ka faallooda, caado ma ahayn in kooxaha dagaalka kula jira dawladda Soomaaliya, sida Al-Shabaab iyo Daacish ay weeraraan suuqa Bakaaraha, sababtoo ah waxay la macaamili jireen ganacsatada oo badankood ay ka qaadi jireen lacago baad ah. Tobankii sano ee u dambeeyay ayuu xaalku sidaas ahaa.

“Waxaa laga yaabaa inay dad ku dhex dili jireen oo ama ha nooqto xubnaha dowlada ama kuwa sakawaadka diida,” ayuu yiri Kaboole.

Dad badan ayaa u arka in weerarka Bakaaraha ee shalay uu yahay mid cusub.

Kaboole, ayaa qaba in weerarkan lagu qaaday suuqa Bakaaraha ay ula muuqato in uu sababi karo sharciga la-dagaalanka argagixisada ee dowladda Soomaaliya ay soo saartay, kaas oo si adag u xadidaya cid kasta oo macaamil dhex maro kooxaha dowladu u aqoonsan tahay argagixisada, kaas oo si uun u naaqusiyay macaamiilkii dhex-mari jiray Al-Shabaab iyo ganacsatada qaar.

“Tani waa jawaab ka timi al-Shabaab ayaan is leeyahay, sababtoo ah sharcigan adag ee dowladdu soo rogtay ayay doonayaan in ay u muujiyaan inay carqaladeynayaan,” ayuu yiri Axmed Kaboole.

Suuqa Baarakaha waa suuqa ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya, halkaas oo xuddun u ah nolosha malaayiin Soomaali ah oo siyaabo kala duwan noloshoodu ugu tiirsan yahay.

Axmed Cabdillaahi Kaboole ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay xaqiijiso ammaanka ganacstada, maadama ay hadda u muuqdaan hilib banaan yaal ay dhibaatadu gaarayso iyaga uun.

Ad
Previous articlePuntland oo Gacanta Ku Dhigtay Doon Hubwaday iyo Ragii Watay
Next articleAbiy Ahmed: ‘Itoobiya way leedahay awood ay is ku difaacdao, balse ma rabo inaan la dagaalo Soomaaliya’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here