Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku Wajahan Magaalada Xarardheere oo Wali Qoor Qoor...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku Wajahan Magaalada Xarardheere oo Wali Qoor Qoor Ku suganyahay

0

Madaxweynaha dowladda Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaasoo todobaakii hore lagala wareegay kooxda Al-Shabaab.

Inkastoo aan rasmi ahaan loo ogeyn xiliga uu baxayo madaxweynaha, hadana waxaa ka socda magaaladaasi diyaar garowga soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha, waxaana halkaasi la geeyay ciidamo dheeraad ah oo xaqiijiyay amniga magaalo xeebeedan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safarkan Xarardheere uga duwan socdaaladii uu hore ugu tagay degmooyinkii laga xoreeyay Shabaab, maadaama ay tahay deegaanka uu ka soo jeedo.

Kasokow dhiira gelinta ciidamadii qabtay magaalada, arrimaha kale ee uu u tagi doono madaxweynaha waxaa qeyb ka ah xalinta muranka ka taagan cida maamuleysa magaalada oo qabiilo badan oo wada daga ay isku heystaan cida xaqa u leh hoggaanka magaalada Xarardheere oo dib u habeyn iyo soo celinta shacabkii ku noolaa u baahan.

Qabashada Xarardheere waxey Shabaab u eheyd jab weyn oo soo gaaray, magaaladan waxey eheyd halka ay uga soo dagaan hubka ay ka soo iibsadaan Yemen, sidoo kale waxey eheyd halka ay ka soo galaan Ajaanibta Carabta ah ee kooxda ka bar bar dagaalanta.

Sidoo kale waxey argagixisada u eheyd il dhaqaale fara badan ay uga qaadan jireen badeecadaha ka soo daga iyo kuwa laga dhoofiyo, taasoo haatan noqotay mid iska soo xirmatay.

Ad
Previous articleKenya Oo Weerar Culus Ay Ku Gashay Saldhig Shabaab Ku Dishay 12 Dagaalame
Next articleQarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here