Home Wararka Somaliya Galmudug Duqaymo Culus oo xalay Alshabaab loogu gaystay Koonfurta Mudug iyo Caad oo….

Duqaymo Culus oo xalay Alshabaab loogu gaystay Koonfurta Mudug iyo Caad oo….

0

Hawlgal Qorsheysan oo ay Fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka ee kaalmeeya Ciidamada Soomaaliya oo iska Kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay Duqeyn Culus Ku Garaacay Saldhigyadii kooxda Alshabaab  ee Koonfurta Mudug.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay Saldhigyadii Iskoyska Cadaley iyo Howdka u dhexeeya Caad Iyo Cadaley, halkaas oo ay isku aruursanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Alshabaab oo Wajahaaya Cadaadis uga Imanaaya Ciidaada Dowlada.

Taliska Ciidamada xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in qasaare Balaaran lagu gaarsiiyay Maleeshiyaadkii ka tirsanaa kooxda ee ku sugnaa saldhiggaasi

Ciidamada Dowlada ayaana Kaabiga Ku Haaya Magaalada Caad oo ah Saldhiga Ugu Wayn ee Koonfurta Mudug ee Alshabaab

Ciidamada Dowlada ayaana Haatan Caad ujira wax ka Yar 8 km Taas oo ay Qorshaynaayaan inay Gudaha Ugalaan Deganka Caad Alshabaab ayaana Meel dhexe isugu Keenay Maleeshiyaad Farabadan kuwaas oo Ay Qorshaynayaan inay Ciidamada Dowladaka Dagaaal kala Hortagaaan.

Ad
Previous articleDagaal Laisku Riiqmay oo Maantay Dhexmaray Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab
Next articleBurcad badeedkii Soomaalida oo Soo noolaaday Markab kalana Soo Afduubtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here