Home Wararka Maanta Cabdiraxman Cabdishakur oo Ka Hadlay Weerarkii Xalay lagu Qaaday Xeebta Liido

Cabdiraxman Cabdishakur oo Ka Hadlay Weerarkii Xalay lagu Qaaday Xeebta Liido

0

Xildhibaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa ka hadlay weerarkii ay xalay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen agagaarka xeebta Liido.

War qoraal oo ah oo uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu ku sheegay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay beegsadaan shacabka u Dalxiis tegay halkaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xoogaga Al-Shabaab ay duulaan ku yihiin farxadda iyo quruxda noloshada, sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la gar-naqsaday Al-Shabaab ayaa yiri “War haddii aad xukun doonaysaan maxaad dadkii aad xukumi lahaydeen u xasuuqdeen?”.

Ugu dambeyn wuxuu boggaadiyay ciidamada ammaanka ee soo afjaray weerarkaas, isaga oo sidoo kale tacsi u diray dhammaan ehallada ay dadkooda ku dhinteen weerarka lagu qaaday hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla agagaarka xeebta ee degmada Cabdcasiis.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxay u dileen maxaad ugu soo baxdeen jawiga deggan ee quruxda badan oo ay hirka badda iyo hawada neecawda leh is haleelayaan?

Waxay duullaan ku yihiin farxadda iyo quruxda nolosha, nabadda, iyo xasilloonida. Sida keli ah ee ay jiritaankooda ku muujin karaan waa in ay weeraro argagaxisnimo, dil iyo xasuuq geystaan, haddii kale waa la iloobayaa, dadkuna amarkooda u hoggaansami mayaan.

Waa duul ka qalbi adag, ka arxan iyo naxariis daran, ka bahalsan maafiyada caalamiga ah iyo kooxaha ku hawllan danbiyada abaabulan.

Waxa keli ah ee la mid ah waa odayadii Carbeed ee xiligii jaahiliga hablaha ay dhalaan nolosha ku aasi jiray ee maalinta qiyaamaha iyaga iyo hablihii la is hor keenayo ka dibna inantii la nolol aasay la su’aalayo danbi caynkee ah ayaad galabsatay oo laguu dilay?

Dabcan inanta jawaab laga sugi mayo ee waxaa la doonayaa oo muuqaalkaa xanuunka iyo murugta badan loo keenayaa in la soo bandhigo naxariis la’aanta, qalbi adayga, caqli darrida iyo bahalnimada odayadii gabdhahooda nolosha ku aasay.

Waxaa taa la mid ah Argagexisada Shabaab oo ay hubaal tahay in la horkeenayo dadkii ay xalay ku laayeen Hoteelka Pearl Beach iyagoo neecawda iyo jawiga deggan si nabdoon ugu cawaynaya iyo kumanaankii kale oo ay hoteellada, iskuullada, maqaayadaha, suuqyada iyo jidadka ku dileen ama ku gawraceen.

War haddii aad xukun doonaysaan maxaad dadkii aad xukumi lahaydeen u xasuuqdeen? haddii aad gaalo la diririyseen dadkani waa muslimiin ehelkiina ah, haddii aad dawlad la dagaalayseen dadkani waa rayad aan cidna wax u gaysan.

Waxaa boggaadin mudan ciidamada amniga. Allaha u naxariiso intii xalay weerarkaas argagexiso ku nafwaayey, marka laga reebo kuwii weerarka soo qaaday.
Ad
Previous article“maalin layaab leh” Afar caruur ah oo iyagoo nolol laga helay kenyta Amazon 40 maalmood kadib
Next articleCabdicasiis Axmed Maxamuud oo Si xun loogu gowracay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here