Home wararka Dalka Sawiro Magaalada Gaalkacyo oo ka socdo Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo..

Sawiro Magaalada Gaalkacyo oo ka socdo Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo..

0
SHARE

Abaaro duhurnimadii maanta waxaa magaalada Gaalkacyo ka bilowday banaanbax ay dhigayaan Shacabka Gaalkacyo qaarkood.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay shacab kasoo horjeeda siyaasada Madaxweyne Farmaajo ee ku aadan weerarka siyaasiyiinta kasoo horjeeda iyo Arinta Qalbi dhagax.

Barxada weyn ee magaalada Gaalkacyo dhanka Galmudug ayey iskugu yimaadeen iyagoo ku qeelinaya erayo ay ku jiraan Downimeeno farmaajo iyo hala joojiyo caburinta siyaasiyiinta.

Waxaa kaloo shacabka ku qeelinayeen soo celi Qalbo dhagax iyo erayo kale oo looga soo horjeedo madaxweynaha.

Shacabka ayaana ugu danbeyn waxay jeejeexeen boorarkii lagu xardhay magaalada ee lagu soo dhaweenayay madaxweynaha.

Mudug24 Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here