Home Wararka Somaliya Madaxweyne Qoor Qoor oo iska diiday soo dhaweynta Mudo kordhinta Farmaajo iyo...

Madaxweyne Qoor Qoor oo iska diiday soo dhaweynta Mudo kordhinta Farmaajo iyo abaabul socda

0

Villa Somalia ayaa Abaabuleysa Mooshin Xilka qaadis ah oo ay la doonayaan Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye  Qoorqoor kaas oo iska diiday inuu soo dhaweeyo Muddo Kordhin Xildhibaanada Waqtigoodu dhamaaday ay u sameeyeen Madaxweynaha Xilka ka dagaya Maxamed C.llaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Dr Gacal oo ay gadaal ka riixeyso Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inuu Dhuusamareeb ka bilaabay kulamo kala duwan si Xildhibaanada ay Xilka uga qaadaan Madaxweyne Qoorqoor.

Dhanka kale Xildhibaaanno ka tirsan Galmudug ayaa  Xaqiijiyay in Guddoomiye Gacal iyo Kuxigeenkiisa ay wadaan Qorshahaan,balse inta badan Xildhibaanada ay ka soo horjeedaan si aan Qatar loogalin Daganaashaha Dowlad Gobolleedka Galmudug.

Qoor Qoor ayaa xalay kulamo kula qaatay magaalada Muqdisho qaar kamid ah madaxda midowga musharaxiinta sida madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Waxaana kulankooda ay kaga hadleen tallabada ay qaadayaan maadama dowladda ay sameesatay muddo kordhin taa oo meesha ka saareysa geedi socodkii nabadda Soomaaliya.

Qoor Qoor oo Wareysi bixiyay ayaa waxa uu sheegay in marnaba uusan taageeri doonin wax muddo kororsi ah isagoo sheegay in wadada kaliya ee furan iney tahay wadahadal iyo dalka doorasho loo jiheeyo.

Ad
Previous articleDegaanka Xananbuurre ee Gobolka Galgaduud oo Weerar Khasaaro laga soo sheegayo
Next articleWar deg deg Ah:- Ku Dhawaad 40 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug oo digniin soo saaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here