Home Wararka Maanta Ciidamada Xooga Soomaaliya oo Maantay 16 sana Kadib lagu aaminaayo Amaanka Xarunta...

Ciidamada Xooga Soomaaliya oo Maantay 16 sana Kadib lagu aaminaayo Amaanka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

0

Xarunta Villa Soomaaliya ee looga arrimiyo dalka waxaa 16 sano kadib maanta si rasmi ah ula wareegaya ciidamo Soomaali, kuwaas oo beddalaya ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee muddada dheer ilaalinayay amniga Madaxtooyada.

Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah Lataliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in ATMIS ay maanta wareejineyso amniga Villa Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha ay amniga dalka kula wareegayaan ciidamada Soomaaliya.

Ciidamada la wareegaya amniga Villa Somalia ayaa ah kuwo dhowaan tababar xooggan kusoo qaatay dalka Serbia, tababarkaas oo uu ka shaqeeyey safiirka Soomaaliya ee dalkaas Maxamed Cabdullaahi.

Haddaba maxay ka dhigan tahay in ciidamada Soomaali ah ay la wareegaan Madaxtooyada?

Afhayeenkii hore ee wasaaradda amniga, Cabdicasiis Xildhibaan oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in la wareegitaanka amniga madaxtooyada ay wax weyn uga dhigan tahay shacabka Soomaaliyeed, ayna tahay guul taariikhi ah oo la gaaaray.

“Waxay uga dhigan tahay shacabka Soomaaliyeed guul wayn oo dhinac taariikhda ah oo la gaaray, kuna tusineysa halka uu marayo dib u dhiska dowladnimada” ayuu yiri Cabdicasiis.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada Soomaaliyeed ay ku filan yihiin ilaalinta amniga madaxda qaranka iyo sidoo kale xarumaha ay leedahay dowladda Soomaaliya.

“Waxaan xaqiijinayaa in ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliya ay difaacayaan sidii ay horay dhiigooda ugu hureen u ilaalin doonaan dhammaan xarumaha iyo hay’adaha ay leedahay dowladda Soomaaliya” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Cabdicasiis Xildhibaan.

Cabdicasiis Xildhibaan ayaa xusay in ciidamada Soomaaliyeed ay leeyihiin awood lagu kalsoonaan karo, taas oo ah mid ay ku wajaheen kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka JFS waxay ku guuleysteen in kooxaha duulaanka ku ah dowladnimada Soomaaliya ay ka saaraan dhul ballaaran, tusiyeen caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay diyaarka ugu yihiin inay hanan karaan amniga dalka oo dhan” ayuu sii raaciyay.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in hadda kadib amniga xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay sugi doonaan ciidamada Soomaaliyeed, taas oo soo gabagabeneysa ciidamadii ajnabiga ahaa ee Madaxtooyada joogay tan iyo sanadkii 2007-dii.

Ad
Previous articleMuuqaal-duubihii Al Jazeera oo lagu dilay Gaza Xili Dhawaan Xasaaskisa Iyo Caruurtiisa Duqayn Lagu Dilay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Toddoba jir fal argagax leh loogu geystay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here