Home Wararka Somaliya Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo sheegtay in gabadheeda ay ku maqantahay gacanta...

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil oo sheegtay in gabadheeda ay ku maqantahay gacanta NISA

0

Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraam Tahliil Faarax, ayaa gaashaanka u daruurtay in gabadheeda ay dileen ururka Al-Shabaab.

Warka dilka Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay warbaahinta dowladda, kaas oo tilmaamay in ururka Shabaab ay afduubteen gabadhaas kaddibna ay dileen, iyadoo aanan lagu darin wax faafaahin ah oo intaasi dheer.

Hayeeshee hooyo Qaali ayaa sheegtay in hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ay “ku raadgudanayso warkaas, iyagana ay mas’uul ka yihiin gabadheeda la la’yahay.

Waxa ay ku adkaysanaysaa in illaa hadda uusan jirin war cad oo qeexaya xaalka gabadheeda geeri iyo nolol toona.

Xalay fiidkii ayay aheyd markii Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ee NISA ay sheegtay in Ikraan Tahliil ay afduubteen Al-Shabaab, isla markaan ay dileen.

Ad
Previous articleXildhibaan Mahad salaad oo Qeexay Cidii dishay ikraan Tahliil
Next articleSweden oo Mamnuucday Safarada Lix Dal oo Mareykanka uu ku jiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here