Home Wararka Maanta Gaadiid loogu Talagalay Ladagaalanka Alshabaab oo Dowlada Lagu Wareejiyay

Gaadiid loogu Talagalay Ladagaalanka Alshabaab oo Dowlada Lagu Wareejiyay

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta Midowga Yurub kala wareegay Gaadiid dagaal oo loogu tala galay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa mid mid u kormeeray gadiidkaan Gaashaman oo loogu tala galay Guutada 14 October ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadii lagu wareejiyey gaadiidkaan waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Guutada 14-ka October ee G/Dhaxe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey).

Gaadiidkaan ayaa loogu tala galay halkaas guuto oo ka howlgasha gobolka Shabeellada Hoose, fadhigeeda ugu weyna uu yahay magaalada Marka.

Guutada 14-ka October ayaa ka mid ah geesiyaasha xoogga dalka ee Howlgalka adag ee ka dhanka ah Argagixisada ka wada gobalkaas Sh/Hoose, waxayna hadda heleen gaadiid u daboolaya baahiyo badan oo ay qabeen.

Waxaa xusid mudan in guutooyin badan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay gaadiid la’aan yihiin, haba ugu daraadeen ciidanka lagu soo tababaray Eritrea oo weli aan helin gaadiid ku filan, si ay u gaaraan gobollada fog fog ee Shabaab ka dagaalamayaan.

Sidoo kale gadiid badan ayey Shabaab ka gubeen ciidanka xoogga, gaar ahaan GorGor, dagaaladii ugu daraa ee gaadiidka lagu gubay waxay ka kala dhaxeen Caad, Cowsweyne, Ruun-nirgood iyo Galcad.

Muddo sanad gudihiis ah gaadiidkii ugu badnaa ayay dowladdu ku weysay dagaalka, iyadoo markii horaba ay jirtay gaadiid yari oo dalka ay saareed cunaqabateyn dhanka hubka ah oo dhawaan laga qaaday Soomaaliya.

Ad
Previous articleWariyihii Warbaahinta Qaranka Caabudwaaq oo la Dilay
Next articleFarmaajo oo Siwayn uga Horyimid Qorshe uu Madaxweyne Xasan Shiikh watay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here