Home Wararka Maanta Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka oo ku sugan Turkiga si uu ula hadlo...

Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka oo ku sugan Turkiga si uu ula hadlo Dhigiisa Ukraine

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ka degay dalka Turkiga isagoo halkaasi kula kulmidoona Masuuliyiin Ruushka ah.

Maanta oo Khamiis ha ayuu dhigiisa Ukraine Dmytro Kuleba kala hadli doonaa dagaalka u dhaxeeya wadamadaasi.

Waxay noqon doontaa xiriirkii ugu horreeyay ee heer sare ah oo lala yeesho Ukraine tan iyo markii Ruushka uu galay duulaanka, sida uu sheegay sarkaal Turki ah.

Wadahadalladan ayaa loo badinayaa inay si wada jir ah ula kulmaan wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlüt Çavusoglu.

Wadahadallada lagu wado in subaxnimada Khamiista ka furmo magaalada koonfurta ku taalla ee Antalya ayaa ku yimi hindisaha madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Waxa uu doonayaa in Turkigu uu door dhexdhexaadin ah ka qaato khilaafka.

Ruushka ayaa Dagaal dheer kula jira Ukraine taasi badalkeeda waxa uu wadanka la kulmay mid kamid ah Cunaqabateyntii ugu adkeyd ee Taariikhdiisa.

Ad
Previous articleGudiga Doorashooyinka Heer federaal oo War Cusub kaso Saaray 3 kursi oo Baladweyne Taalay
Next articleMaraykanka oo diiday in diyaaradaha dagaalka ee Poland lagu wareejiyo Dalka Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here