Home Wararka Maanta War DEG DEG AH:Dagaal Culus oo u dhaxeeya laba Ciidan oo Ka...

War DEG DEG AH:Dagaal Culus oo u dhaxeeya laba Ciidan oo Ka Wada Tirsa Dowlada Soomaaliya oo Kasocda Muqdisho

0

Dagaal Culus oo laisku Adeegsaday Hub Culus oo uu ku jiro Qoriga Sabanka ayaa Goordhow ka Bilowday Degmada Dharkeenleey gaar ahaan Xaafada Kaawa Godey.

Ciidan la sheegay inay ka amar qaataan General Sheegow & Ciidanka Boliis Militaaro oo roondo ku jira ayaa gordhow  Dagaalay kooban ku dhexmaray degmada Dharkenlay .

Ciidanka Boliisiyo Melitaaro ayaa lagu hareeray guri ku yaalla degmada maadama iyagoo fileynin lagu kadiyay rasaas.

Balse Waqti kooban Kadib Waxaa soo Gaaray Gurmad kaas oo sababay inuu Bilowdo Dagaal Culus Taas oo Wali laga Maqlayaa Rasaasta Culus ee ay isku adeegsanayaan.

Ciidamada Police milataara ayaa La sheegay inay Qorshaynaayaan inay Soo Qabtaan Generaal Sheegoow oo Xoog ku haysta Suuqa Kaawa Godeey oo Ciidamo uu Hogaamiyo Dhac Baahsan kawadeen Maalmihii Lasooo Dhaafay

Lama oga Khasaaraga Ka dhashay Dagaalkaan oo Wali Socda.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Gudoomiye Cabdullahi Yarisoow
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Wali Ka soconaaya Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here