Home Wararka Maanta Laftagareen oo La Saftay Xasan shiikh kana Soo Horjeestay Deni isagoo ku...

Laftagareen oo La Saftay Xasan shiikh kana Soo Horjeestay Deni isagoo ku Sugan Garowe

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa la saftay madaxweyne Xasan Sheekh oo wajahaya mucaaradad xooggan oo la xiriirta arrimaha wax ka beddelka dastuurka.

Lafta-gareen oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii caleemo saarka Saciid Deni ee shalay ka dhacday Garoowe ayaa sheegay in la joogo waqtigii la dhameystiri lahaa dastuurka oo muddo badan KMG ah.

“Waxaa soo dhaweynaya dadka Soomaaliyeedna ku bogaadinayaa yaanan isku dhaganaan ee iyada oo heshiis la yahay la wada jirana hore ha loo socdo. 30-kii sano looma dhamo ayaa lagu jiray ee looma dhamo inta la daayo waa u wada dhanahay,” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.

Waxa uu intaas kusii daray “Arrinta dastuurka dhameystirkiisa iyo hore u socodka dowladnimada Soomaaliya aan dhiiri-gelino aan garab istaagno sida ay hadda wax ku socdaan. Siyaasiyiinta iyo dadka aragtiyada kala duwan maanta maalin ay ka munaasabsan tahay oo ay ka fiican tahay ma lahan.”

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ku bogaadiyay wixii maalintii dhoweyd ka dhacay xarunta Baarlamaanka, ee lagu meel-mariyay habraaca wax ka beddelka dastuurka.

“Madaxda ka shaqeynaysa aan ugu hambalyeyno, aniga shaqsiyan waxaa rabaa in aan halkan hambalyo uga jeediyay Sheekh Aadan Madoobe, oo si aad u qurux badan baarlamaanka uga gutay masuuliyadiisa iyo waajibaadkiisa oo sida ay aheyd mariyay.”

Hadalka Lafta-gareen ayaa imanaya xilli uu shalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si cad u sheegay in aan dib looga laabaneyn dhameystirka dastuurka, islamarkaana uu taagan yahay waqtigii ugu munaasabsana ee la dhameystiri lahaa.

Ad
Previous articleRaysulwasaare Ku xigeenkii Itoobiya oo Iscasilay iyo Abiya Axmed oo Xaalku Ku xunyahay
Next articleXasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo Yeelanaaya kula fool ka fool ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here