Home Wararka Maanta Booliska Soomaaliya oo ka Hadlay khasaaraha qarixii Ka Dhacay Muqdisho oo Ragii...

Booliska Soomaaliya oo ka Hadlay khasaaraha qarixii Ka Dhacay Muqdisho oo Ragii Watay La qabtay

0

Ciidamada booliiska saldhigga degmada Dayniile ayaa ku guuleestay in ay saakay barqadii fashiliyaan gaari nuuca raaxada ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay , kaa oo ciidamada qabteen kahor inta uusan qarxin.

Gaariga oo ciidamada ka shakiyeen ayaa lagu qabtay dhul bannaan oo kuyaalla qeybo kamid ah degmada Dayniile , waxaana booliiska oo baaritaano wada halkaasi ku qarxay gaarigii waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Afhayeen booliiska Soomaaliya oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa gaariga ee ka dhacay Dayniile uusan ka dhalan wax khasaaro ah, waxa uuna xusay in gaariga uu ku qarxay dhul bannaan ah ayna fashiliyeen qaraxaasi ciidamada booliiska.

Waxa uu sheegay afhayeenka in ciidamada gacanta ku dhigeen labo nin oo wadatay gaariga saakay qarxay, waxa uuna xusay in raggan loo gudbiyay hay’adaha dambi baarista ayna ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Qaraxan saakay ka dhacay degmada Dayniile ayaa ahaa mid jugtiisa si weyn looga maqlay qeybo badan oo kamid ah Muqdisho, gaariga qarxay ayaana lagu qabtay dhul bannaan isaga oo maraya waddo qardajeex ah.

Ad
Previous articleHoggaamiyaha Jabhadda Gacanlibaax oo ka hadlay shantii maalin loo qabtay inay buurta uga soo degaan
Next articleWaare oo uga digay madaxweyne Xasan in uu la safro Wasiirkiisa Gaashaandhiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here