Home Wararka Somaliya Taliska Ciidanka Xooga dalka oo Ka hadlay Dagaal ka dhacay Galgaduud

Taliska Ciidanka Xooga dalka oo Ka hadlay Dagaal ka dhacay Galgaduud

0

Taliyaha guutada 15-aad, qaybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Gen: Mascuud Maxamed Warsame oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa xaqiijiyey howlgal saaka ciidanku ay ka sameeyeen deegaanka Sinidhaqo ee gobolka Galgaduud lagu khaarijiyey horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab.

Deegaanka ciidanku ka sameeyeen howlgalka oo Koofur kaga began magaalada Dhuusamareeb ayay Alshabaab dhowr jeer ka soo abaabuleen falal guracan oo ay ku qal qal galiyeen amniga waxaana hadda uu sheegay Taliye Mascuud howlgalku wali socdo isla markaana halkaa la ceyriyey argagixisada.

Dagaal ka dhacay Deegaan Hoostaga Dhuusamareeb ayaa la sheegayaa in askar ka Tirsan Milateriga Soomaaliya Lagu Dilay.

 

Ad
Previous articleQaramada Midoobey oo War ka soo saartay Shirka Muqdisho uga soconaya Madaxda DFS iyo DG
Next articleDeg Deg Qarax Xoogan ayaa Goor dhaw ka dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here