Home puntland Daawo Sawiro laga soo qaaday Guriga Cabdi Xasan Cawaalle Qeybdiid iyo Qaabka...

Daawo Sawiro laga soo qaaday Guriga Cabdi Xasan Cawaalle Qeybdiid iyo Qaabka loo jajabiyay,,

0
SHARE

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda weerartay guriga Senetor Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo duhurnimadii Sabtida ciidan hubaysan oo loo malaynayo inay kuwa dawladda yihiin ay xoog ku galeen.

Xilliga weerarku uu dhacay, Mr Qaybdiid waa uu ka maqnaa guriga, mana jiro wax khasaare nafeed ah oo halkaa ka dhashay.

Senetor Cabdi qaybdiid oo goor dambe saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in taliyaha nabadsugidda ee gobolka Banaadir uu ku wargeliyey in guriga ay soo weerareen ‘ciidamo ka amar qaata Iimaaraadka carabta’.

Barta Twitterka ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa iyadana lagu qoray in madaxweynaha Soomaaliya uu taliyaha milateriga ku amray in baaritaan lagu sameeyo dhacdadaas, ayadoo ‘ciddii ku lug yeelatana sharciga lala tiigsan doono’.

Loading...

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here