Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Dagaal Culus oo ka Socda Magaalada Baraawe

War Deg Deg ah: Dagaal Culus oo ka Socda Magaalada Baraawe

0

Dagaal culus oo haatan ka socda magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu haatan socdo ku dhawaad 30 daqiiqo oo xariir ah, islamarkaana uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee lama xaqiijin karo inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in dagaalkaan uu ka dhex qarxo ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, kaasoo wali ka socda gudaha magaaladaaasi, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan

Ad
Previous articleQunsulyadihii Garowe iyo Soomaalind ee Itoobiya oo Wali Si caadi ah U shaqaynaaya Xili Dowlada Soomaaliya Xirtay
Next articleMuxuu Salka Ku Haayay Dagaalkii Qaraaraa ee Galabtay Ka Dhacay Barawe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here