Home wararka Dalka War Deg Deg Ah Dagaal ka socda Bartamaha Gaalkacyo oo labo qof...

War Deg Deg Ah Dagaal ka socda Bartamaha Gaalkacyo oo labo qof ku dhimatay..

0
SHARE

Dagaal ayaa saaka dhacay bartamaha Suuqa Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland u dhaxeeya.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Maleeshiyo la sheegay in Puntland kasoo jeedaan iyo Ciidan ilaalo ka ah Suuqa oo Galmudug kasoo jeeda.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhimatay Dagaalka maanta ka dhacay bartamaha suuqa Gaalkacyo halka 4 ruux dhaawac kasoo gaaray.

Dagaalka oo socday mudo kooban ayaa istaagay markii danbe waxaana goobta laga qaaday Dadka dhintay.

Dagaalka ayaana dhacay maanta iyadoo madaxweynaha Puntland uu ku suganyahay magaalada.

Dhanka kale shacabka ayaa isweydiinaya Dagaalka waxa keenay iyadoo la gaaray heshiis dhab ah.

Cabdalle Mohamed Cabdulle

Mudug24 Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here