Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Maraykanka oo war Kasoo saaray Duqayn uu ka Fuliyay Gudaha Soomaaliya

Maraykanka oo war Kasoo saaray Duqayn uu ka Fuliyay Gudaha Soomaaliya

0

Dowladda Mareynkanka ayaa warbixin cusub kasoo saartay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliso gudaha dalka Soomaaliya, taas oo lagu beegsado dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay yaraatay warbixinnada khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaara weeraradaasi, kadib markii hoos loo dhigay adeegsiga duqeymaha.

Warbixintii u dambeysay ee kasoo baxday AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in taliska uusan wax warbixin ah soo saarin in ka badan muddo hal sano ah.

“Saddexdii bilood ee u dambeeyay warbixintii qiimaynta khasaaraha rayidka, Taliska Mareykanka ee Afrika ma helin warbixinno cusub oo ku saabsan khasaaraha rayidka, mana jiraan wax qiimayn ah oo furan ama dib u eegis lagu samaynayo hadda,” ayuu yiri talisku.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu laba jibaarayo taageerada iyo garab istaago uu markasta u muujiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qayb-qaata dagaalka culus ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale tababaro siiyo ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

Si kastaba, weerarkii ugu dambeeyey ee Mareynkanka fuliyo ayaa dhacay 22-kii bishii February ee sannadkan, kaas oo laga fuliyey deegaanka Duduble ee gobolka Hiiraan.

Ad
Previous articleCiidamada Daraawiishta Galmudug oo Dilay Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab
Next articleShariif Sheekh oo noqday murashaxii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here