Home Wararka Somaliya Galmudug Faah Faahin ku saabsan Dagaal Maanta ka dhacay Galgaduud

Faah Faahin ku saabsan Dagaal Maanta ka dhacay Galgaduud

0

Dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa saakay waxaa uu ka qarxay tuulo hoostagta deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgaduud, sida ay sheegayeen dad Halkaasi ku sugan.

Dagaalkaan oo salka ku haayo Arrimo la xiriira aano qabiil ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay tuulada Haraale ee Galgaduud, waxaana inta uu socday la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka Haraale ayaa waxaa ay ku warrameen in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalkii halkaas ka dhacay oo labada dhinac soo kala gaaray, ayna ku jiraan dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka 7 qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla deegaanka Balanballe Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in maleeshiyaadka dagaalamay ay kasoo jeedan Magaalada Guriceel iyo Balanbale ee Gobolka Galgaduud, waxaana dagaalkooda uu salka ku hayaa Arrimo la xiriira aano beeleed.

Ad
Previous articleHay’adda Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saartay Xaalada Cakiran ee Dalka.
Next articleKulan dhexmaray Mahadi Guuleed iyo Cabdi xaashi oo Fashil ku soo dhamaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here